Wakiilka sinnaanta bulshada

Wakiilka sinnaanta bulshadu wuxuu ilaaliyaa u hoggaansanaanta sharciga ka degsan sinnaanta ragga iyo dumarka. Wakiilku wuxuu bixiyaa talooyin iyo tilmaamo la xiriira su’aalaha ku saabsan sharciga sinnaanta, sida takoorka ku saleysan jinsiga, aqoonsiga jinisga ama muujinta jinsiga. Takoorka jinsiga ku saleysan waa takoorka ku saleysan uurka iyo fasaxa qoyska. Wakiilka sinnaanta bulshada waxaad ka heleysaa talooyin ku saabsan sida loo horumariyo sinnaanta ka jirta goobaha shaqada iyo waxbarashada. 

Wakiilka sinnaanta bulshadu waa sarkaal sharciga ilaaliya oo aan cidna ku tiirsanayn wuxuu ku shaqeeyaa maamulka Wasaaradda Caddaaladda.

Wakiilka sinnaanta bulshada ee hadda xilka haya waa Rainer Hiltunen.

Wakiilka sinnaantu wuxuu ilaaliyaa shariga sinnaanta wuxuuna ka baaraandegaa arrimaha sinnaanta jinsiga ee sharcigaas la xiriira.