La xiriiridda wakiilka sinnaanta bulshada

Wakiilka sinnaanta bulshada ayaad ka heleysaa tilmaamo iyo talooyin, haddii aad ka shakiso in lagu takooray. Haddii aad u baahantahay in sharci ahaan lagaala taliyo arrintaada jawaab degdeg ahna aad doonayso, la xiriir lambarka talabixinta sharciga:

Talabixinta sharciga: 0295 666 842 (Isniin-Khamiis 9-11 iyo 13-15) 

Lambarka talabixinta waxaad ka heleysaa tilmaamo ku saabsan sida aad arrintaada wax uga qabanayso. Haddii ay khabiiradeeduna ku qiyaasaan in loo baahanyahay sameynta nidaamka baaritaanka ee qoraalka ah si loo caddeeyo takoorka, waxaad heleysaa talooyin ku saabsan sida aad qoraal ahaan ula xiriirayso wakiilka sinnaanta bulshada. Waxaa laguugula talinaynaa in aad lambarka talabixinta la xiriirto kahor inta aadan sameyn xiriirka qoraalka ah. Talabixinta wakiilka sinnaanta bulshadu waa lacag la’aan lagu kalsoonaan karo.  

Waxaad sidoo kale hubisaa, in arrintaada aad jawaab uga hesho qaybta (Usein kysyttyä).

Luqadda dan-qabsashada

Luqadda saami: Luqadaha rasmiga ah ee kiisaska looga baaraandego waa finnish iyo iswiidhish. Sida uu qabo sharciga luqadda saami (2 §, 4 §) qofka Saami ah wuxuu xaq u leeyahay in uu isticmaalo luqadda saami marka uu arrintiisa kala hadlayo wakiilka sinnaanta bulshada. Haddii aad doonayso in aad dantaada ku qabsato luqadda saami, qoraal ahaan noola soo xiriir, si aan turjumaad u qabanqaabinno.

Luqadda ruushka: Wakiilka sinnaanta bulshadu wuxuu ka baaraandegaa xiriirada lagu sameeyo luqadaha finnishka, iswiidhishka, saami iyo ingiriiska. Xiriirada luqadaha kale sida ruushka waxaa si ka fiirsasho ah loogu qabanqaabinayaa turjumaad hadal iyo qoraal ah.

Xiriirka qoraalka ah 

Foomka xiriirka ee elegtaroonigga oo aad soo buuxiso ayaad wakiilka sinnaanta bulshada uga codsan kartaa in uu kiiskaada baaro. Waxaad sidoo kale iimayl ugu soo diri kartaa cinwaanka [email protected]  

Wakiilka sinnaanta bulshada ayaa ka fekeraya in nidaamka baaritaanka ee dhacdada la soo gudbiyay uu yahay mid sabab leh. Inta badan waxaa nidaamka baaritaanka la billaabaa, haddii xiriirka qoraalka ah ee la soo gudbiyay laga helo sabab keenaysa in laga shakiyo in arrinta loo maareeyay qaab ka soo horjeeda sharciga sinnaanta.

Marka laga baaraandegayo xiriirka qoraalka ah waxaa la dhowrayaa sharciga shaacnimada waxqabadka saraakiisha dawladda (21.5.1999/621). Sida sharcigu qabo waxyaabaha sir ahaan loo xafidiyo markasta waa macluumaadyada ku saabsan xaaladda caafimaadka ama manfacyada sooshalka ee qofka codsaday bayaanka wakiilka sinnaanta bulshada.
 
Magaca qofka ka shakisan takoorka waxaa lagu qorayaa barta ay ku jiraan macluumaadka laga dacwoonayo, marka qofkan la dhegeysanayo si arrinta loo caddeeyo.
Kahor inta arrintan go’aan laga gaarayo, shaacnimada dukumentiyada waxaa dhacdo kasta loogu saleeynayaa si gaarkeeda.
 
Wakiilka sinnaanta bulshadu wuu ka jawaabaa xiriir kasta oo lala soo yeesho. Dan ka qabsashadu waa lacag la’aan. Bayaanka wakiilka sinnaanta ee nidaamka baaritaanka waxaa lagu heli karaa 6-12 bilood gudohood. 

Telefoonka dhexe: 0295 666 830
Xoghayaha wakiilka sinnaanta bulshada: 0295 666 839
Rajistareeshinka: tel. 0295 666 840
isgaarsiinta: 0295 666 837
Talooyinka la xiriira qorshaha sinnaanta goobaha shaqada iyo cadadda go’an: 0295 666 838
Talooyinka la xiriira qorshaha sinnaanta dugsiyada iyo goobaha waxbarashada: 0295 666 834

Wakiilka sinnaanta bulshada
SB 33
00023 Dawladda
 
[email protected]
Iimaylka shakhsiyaadka ku socda: magaca koowaad.magaca [email protected]