Su’aalaha inta badan la isweydiiyo

Boggan waxaa lagu uruuriyay jawaabaha su’aalaha inta badan la weydiiyo wakiilka sinnaanta bulshada. Arrimahan waxaa qaabilsan hay’ad kale oo aan ahayn wakiilka sinnaanta bulshada. Sidaas darteed waxaa wanaagsan in aad hubiso in aad halkan ka hesho jawaab kahor inta aadan xiriir qoraal ah nala soo sameyn.

Boggan waxaa lagu uruuriyay jawaabaha su’aalaha inta badan la weydiiyo wakiilka sinnaanta bulshada. Arrimahan waxaa qaabilsan hay’ad kale oo aan ahayn wakiilka sinnaanta bulshada. Sidaas darteed waxaa wanaagsan in aad hubiso in aad halkan ka hesho jawaab kahor inta aadan xiriir qoraal ah nala soo sameyn.

Waajibka gurmadka ciidanka

Waa maxay sababta uusan wakiilka sinnaanta bulshadu wax uga qabanayn arrinta ah, in waajibka gurmadka ciidanka uu qabanayo oo kaliya ragga?
Jawaab: Takoor ayaa inta badan loo arkaa in waajibka gurmadka ciidanku uu quseeyo ragga oo kaliya. Baarlamaanka ayaa markii uu dejinayay sharciga sinnaanta go’aamiyay in waajibka gurmadka ciidanka ee ragga saaran aanu ahayn takoor sharciga sinnaanta ka soo horjeeda. Waajibka gurmadka ciidanka waxaa dejinaya sharciga waajibka gurmadka ciidanka. Wakiilka sinnaanta bulshadu ma lahan awood uu sharciga ku bedelo.

Sharciyada waxaa wax looga beddeli karaa baarlamaanka haddii ay xukuumaddu soo gudbiso, xildhibaan sameeyo soojeedi sharci ama mooshin shacab la soo gudbiyo. 

Asalka jinsyadeed

Waxaa aniga la igu sameeyay takoor ku saleysan asalkayga jinsiyadeed. Maxaan sameeyaa?
Jawaab: Sharciga isku qiimo ahaanshaha ayaa mamnuucaya takoorka ku saleysan asalka jinsiyadeed. Sharciga isku qiimo ahaanshaha waxaa ilaaliya wakiilka isku qiimo ahaansha dadka, takoorka nolosha shaqada ka dhex dhacana waxaa qaabilsan saraakiisha badbaadada shaqada (saraakiisha maamulka gobolka, AVI), kuwaas oo aad la xiriiri karto haddii aad ka shakiso in asalkaada dartiis laguu takooray.

yhdenvertaisuusvaltuutettu (Wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda)
aluehallintoviranomaiset (AVI)

Manfacyada: hawlgabka/taageerada waxbarashada/taageerada mushaarka/lacagta kaalmada noloshada 

Waa la ii diiday in la i siiyo hawlgab/taageero waxbarasho/taageero mushaar/lacagta kaalmada noloshada. Maxaan sameeyaa?  
Jawaab: Wakiilka sinnaanta bulshadu mawqif kama qaadan karo go’aannada ay gaaraan hay’adaha kale. Haddii aad doonayso in aad racfaan ka qaadato go’aan lagaa gaaray, la xiriir qolada taageerada bixinaysa si aad uga ogaato waddada loo maro racfaan qaadashada.

Mas’uuliyadda ilmaha

Waxaa jinsigayga dartiis la iigu takooray muranka mas’uuliyadda ilamaha. Ma u dacwoon karaa wakiilka sinnaanta bulshada? 
Jawaab: Wakiilka sinnaanta bulshadu mawqif kama qaadan karo su’aalaha ku saabsan mas’uuliyadda iyo masruufka ilmaha. Sidoo kale wakiilka sinnaanta bulshadu mawqif kama qaadan karo go’aannada ay maxkamaduhu gaaraan ama go’aannada gaarka ah ee ay gaaraan saraakiisha sooshalka.

Takoorka da’da ku saleysan

Da’da aan jiro darteed ayaa la ii takooray. Maxaan sameeyaa?
Jawaab: Sharciga isku qiimo ahaanshaha ayaa mamnuucaya takoorka da’da ku saleysan. Sharciga isku qiimo ahaanshaha waxaa ilaaliya wakiilka isku qiimo ahaansha dadka, takoorka nolosha shaqada ka dhex dhacana waxaa qaabilsan saraakiisha badbaadada shaqada (saraakiisha maamulka gobolka, AVI), kuwaas oo aad la xiriiri karto haddii aad ka shakiso in da’daada darteed laguu takooray. 

yhdenvertaisuusvaltuutettu (Wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda)
aluehallintoviranomaiset (AVI)

Xayaysiinta iyo suuq-geynta

Waxaan arkay hayaysiin xadgudub ku ah jinsigayga. Wakiilka sinnaanta bulshadu wax ma ka qaban karaa arrintan? 
Jawaab: Sharciga sinnaantu ma quseeyo hayaysiinta, haddii xittaa ay suurragaltahay in xayaysiintu ay ka shaqaynayso ama sare u qaadayso firkado gaabis ka dhigaya hirgelinta sinnaanta bulshada.

Qareenka adeeg isticmaalaha ama quutaha ayaa faragelin kara suuq-geynta jinsi kale liidaysa, sharafta ka qaadaysa ama ku xadgubaysa amaba suuq-geynta lagu xoojinayo adeegsiga rabshad. ► Kuluttaja-asiamies

Laanta xayaysiintu waxay leedahay Golaha anshaxa xayaysiinta, kaas oo awaamiirtiisa saameyn kula yeelan kara adeegsiyada xayasiinta iyo suuq-geynta. Xeerarka aasaasiga ah ee xayaysiintu waxay dhigayaan, in dadka wax xayaysiinaya ay qaadaan mas’uuliyaddooda bulsho. ► Mainonnan eettinen neuvosto

Waxaa aragti-celinta xayaysiinta toos loogu diri karaa qolada xayaysiinta samaynaysa.

Xorriyadda hadalka iyo warbaahinta

Jinsigayga ayaa lagula xadgudbay qoraal joornaal ku qoran / qoraal internetka ku jira /  barnaamij telefishin ka baxay. Wakiilka sinnaanta bulshadu wax ma ka qaban karaa arrintan?
Jawaab: Aragtiyda ku xadgubaya jinsiga iyo mawqifyadooduba ma ahan kuwa inta badan uu sharciga sinnaanta bulshadu u taaganyahay. Qofka aragtida dhiibanaya iyo kan daabacayaba waxaa ilaalinaya xorriyadda hadalka ee uu dastuurka dammaanad-qaadayo. Aragtiyada xorriyadda hadalka darteed ayuusan wakiilka sinnaanta bulshadu u faragelin inta badan qoraal hal-halka ah ee joornaallada lagu qoro ama aragtiyada kale ee warbaahinta lagu soo gudbiyo ama agab-sawireedka la daabaco.

Xorriyadda hadalka waxaa lagu xadeeyay sharciga dembiyada oo loo xeerinayo falalka haddii la sameeyo ay ciqaabi ka dhalan karti, kuwaas oo ah tusaale ahaan ku xadgudubka sharafta, ku xadgudubka sharafta ee aadka u daran, hanjabaad sharci darro ah iyo kicin ka dhan ah bulsho gaar ah. 

Qof kasta oo doonaya in uu arrin quseysa hab saxaafadeedka wanaagsan ama xorriyadda hadalka iyo daabacadda u gudbiyo Golaha saxaafadda si ay uga baaraandego, wuxuu dacwad u gudbin karaa golaha. ► Julkisen sanan neuvosto

Waxaa aragti-celinta toos loogu diri karaa qolada daabacday iyo qofka sameeyay.

Jihaysiga jinsiyeed

Jihaysigayga jinsiyeed dartiis ayaa la ii takooray. Maxaan sameeyaa?
Jawaab: Takoorka jihaysiga ku saleysan waxaa mamnuucaya sharciga isku qiimo ahaanshaha. Sharciga isku qiimo ahaanshaha waxaa ilaaliya wakiilka isku qiimo ahaanshaha dadka, takoorka nolosha shaqada ka dhex dhacana waxaa qaabilsan saraakiisha badbaadada shaqada (saraakiisha maamulka gobolka, AVI), kuwaas oo aad la xiriiri karto haddii aad ka shakiso in jihaysigaada jinsi dartiis laguu takooray. 
 
yhdenvertaisuusvaltuutettu (Wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda)
aluehallintoviranomaiset (AVI)

Diinta

Diintayda/citiqaadkayga dartiis ayaa la ii takooray. Maxaan sameeyaa?
Takoorka diinta ku saleysan waxaa mamnuucaya sharciga isku qiimo ahaanshaha. Sharciga isku qiimo ahaanshaha waxaa ilaaliya wakiilka isku qiimo ahaanshaha dadka, takoorka nolosha shaqada ka dhex dhacana waxaa qaabilsan saraakiisha badbaadada shaqada (saraakiisha maamulka gobolka, AVI), kuwaas oo aad la xiriiri karto haddii aad ka shakiso in diintaada darteed laguu takooray.
yhdenvertaisuusvaltuutettu (Wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda)
aluehallintoviranomaiset (AVI)

Naafannimo

Naafannimadayda darteed ayaa la ii takooray. Maxaan sameeyaa?
Jawaab: Takoorka naafannimada ku saleysan waxaa mamnuucaya sharciga isku qiimo ahaanshaha. Sharciga isku qiimo ahaanshaha waxaa ilaaliya wakiilka isku qiimo ahaanshaha dadka, takoorka nolosha shaqada ka dhex dhacana waxaa qaabilsan saraakiisha badbaadada shaqada (saraakiisha maamulka gobolka, AVI), kuwaas oo aad la xiriiri karto haddii aad ka shakiso in naafannimadaada darteed laguu takooray.

yhdenvertaisuusvaltuutettu (Wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda)
aluehallintoviranomaiset (AVI)

Waxqabadka saraakiisha dawladda

Waxaan dan-qabsasho ugu tegay saraakiisha dowladda, waxqabadkooduna wuxuu ila ahaa mid aan caddaalad aheyn. Maxaan sameeyaa?
Jawaab: Waxqabadka hay’adaha iyo saraakiisha dawladda waxaa ilaaliya wakiilka ilaalinta caddaaladda ee baarlamaanka iyo hormuudka caddaaladda. Labadan wakiil waxay qaabilsan yihiin la socoshada in saraakiishu ay sharciga u hoggaansamaan waajibaadkoodana ka soo baxaan marka ay shaqada loo xilsaaray qabanayaan. Haddii aadan ku qanacsanayn sida ay saraakiisha dawladdu u qabatay arrintaada, waxaad la xiriiri kartaa wakiilka ilaalinta caddaaladda ee baarlamaanka ama hormuudaka caddaaladda.

eduskunnan oikeusasiamies
oikeuskansleri