Takoorka

Noocdyada xaaladaha takoorka ee marka ay dhacaan aad la soo xiriiri karto wakiilka sinnaanta bulshada talana aad ka weydiin karto:

Takoorka ku saleysan jinsiga, aqoonsiga jinisga ama muujinta jinsiga:

  • takoorka ka dhaca xulashada shaqaalaha
  • takoorka ka dhaca bixinta mushaarka iyo shuruudaha kale ee xiriirka adeegga
  • takoorka ku saleysan uurka iyo fasaxa qoyska, tusaale ahaan diididda cusboonaysiinta heshiiska xiriirka shaqada ee wakhtiga cayiman uur dartiis ama ku xadaynta ama jaangoynta heshiiska billowga fasaxa qoyska
  • takoorka ka dhaca hoggaanka shaqada, awoodda qabashada hawlaha shaqada ama qabanqaabinta xaaladaha shaqada
  • takoorka ka dhaca joojinta shaqada, burinta xiriirka adeegga iyo shaqo ka fariisinta cayiman
  • qashqashaad galmo

Takoorka ka jira qaybaha kale ee bulshada:

  • takoorka ka dhaca machadyada waxbarashada iyo xulashada ardayda
  • takoorka ka dhaca ururada dano ilaalinta
  • takoorka ka dhaca goynta sicirka iyo helitaanka adeegyada

Miyaad ka shakisantahay in lagu takooray?

Wakiilka sinnaanta bulshada ayaad ka heleysaa tilmaamo iyo talooyin, haddii aad ka shakiso in lagu takooray. Talooyinka uu bixiyo wakiilka sinnaantu waa lacag la’aan.

Takoorka ka dhaca nolosha shaqada:

  • Haddii aad ka tirsan urur shaqaale, la xiriir wakiilka shaqaalaha kana ogow xuquuqdaada. Kharashka xubinnimada ee ururada shaqaalaha waxaa ku jira xuquuqda helitaanka talooyin sharciyeed.

Waxaa kale oo aad la xiriiri kartaa qareenka guud ee dadweynaha, xafiiska arrimaha sharciga ama qareen caadi ah. Inta badan adeegyada sharciyeed waa lacag. Hubin in aad leedahay caymiska xuquuqda badbaadada ee daboolaya kharashka ku baxa dacwad qaadista maxkamadaha.
 
Haddii aad tahay qof dhaqaala yar waxaa laga yaabaa in aad xaq u leedahay caawimaadda sharciga ee qareenka oo lacag la’aan ah ama aad qayb ahaan kharashka iska bixinayso.

Ilaalinta sharciga sinnaanta

Wakiilka sinnaanta bulshadu wuxuu ilaaliyaa u hoggaansamidda sharciga sinnaanta.

Tilmaamo iyo talooyin ku saabsan sharciga sinnaanta

Qofka ka shakiya in lagu sameeyay takoorka uu sharcigu mamnuucayo, wuxuu wakiilka sinnaanta bulshada ka codsan karaa tilmaamo iyo talooyin arrintaas ku saabsan. Haddii uu wakiilka sinnaanta dadku arko in aan loo hoggaansamin waajibaadka sharciga sinnaanta amaba xeerka la jebiyay, waa in uu ku dadaalaa joojinta arrintaas isagoo adeegsanaya talooyin iyo tilmaamo. Wakiilka sinnaanta bulshadu wuxuu guddiga sinnaanta iyo isku qiimo ahaanshaha u gudbin karaa ficilka sharciga ka soo horjeeda si ay uga baaraandegaan. http://yvtltk.fi/fi/index.html 

Xaqa helitaanka macluumaadka

Wakiilka sinnaanta bulshadu wuxuu xaq u leeyahay in uu ilaalinta sharciga darteed hay’adaha dowladda si lacag la’aan ah uga helo macluumaadka haddii ay yihiin xittaa kuwa sharci ahaan ay tahay in sir ahaan loo xafido. Waxaa intaas dheer oo uu wakiilku xaq u leeyahay in uu ilaalinta sharciga sinnaanta darteed qof kasta uga helo macluumaadka aan laga maaraamin wakhti macquul ah iyo in uu sidoo kale qof kasta ka dalbado in uu tuso dukumentiga uu haayo, haddii uusan qofkaas haysan xuquuq ama waajibaad uu ku diidi karo caddaynta ama tusidda dukumentiga.

Magdhow

Wakiilka sinnaanta bulshadu ma amri karo in magdhaw yacni magdhaw lacag ah laga bixiyo takoorka. Qofka ka shakiya in la takooray wuxuu xaq u leeyahay in sida uu qabo sharciga sinnaanta uu maxkamadda dacwad ka furto magdhawna dalbado. Sharciga dembiyada ayaa xeerinaya dembiyada takoorka, dembiyada shaqada iyo dembiyada galmada. Booliska ayaad dembiyadaas looga dacwoon karaa.

Sharciga sinnaanta oo kooban

Ujeedada sharciga sinnaantu waa in laga hortago takoorka jinsiga ku saleysan iyo in la horumariyo sinnaanta u dhexeysa ragga iyo dumarka iyo in sidoo kale la hagaajiyo kaalinta dumarka gaar ahaan nolosha shaqada. Sidoo kale ujeedada sharcigu waa in laga hortago takoorka ku saleysan aqoonsiga jinisga ama muujinta jinsiga.

Sharciga sinnaanta waxaa lagu dabaqaa guud ahaan waxqabadka bulshada iyo qaybaha nolosha oo dhan. Sharcigan laguma dabaqo xiriirrada u dhexeeya xubno qoys ama waxyaabo kale oo la xiriira nolosha gaark ah ee dadka iyo weliba waxqabadka la xiriira ku dhaqanka diinta.

Sharciga sinnaanta waxaa ku jira saddex nooc oo xeer ah: xeerarka horumariya sinnaanta, xeerarka quseeya mamnuucidda takoorka iyo weliba badbaadada sharciga iyo ilaalinta. 

Xeerarka quseeya horumarinta sinnaanta  

Waajibka horumarinta sinnaantu wuxuu quseeyaa saraakiisha dowladda, qabanqaabiyayaasha waxbarashada iyo shaqo bixiyayaasha. Saraakiishu waa in hawlahooda oo dhan ay ku qiimeeyaan aragtida dadka jinsigoodu kala duwan yahay kaddibna ay abuuraan qaab shaqo oo sinnaanta lagu horumarinayo. Waxaa kale oo sinnaanta lagu horumariyaa caddad lagu heshiiyay. Goobaha waxbarashada iyo shaqada marka la joogo waxaa sharciga sinnaanta lagu horumariyaa qorshayaasha sinnaanta, kuwaas oo marka la dejinyo ay tahay in ardayda iyo shaqaaluhu ay qayb ka ahaadaan.  

Xeerarka takoorka quseeya

Mamnuucidda guud ee takoorka ayaa lagu qeexayaa islamarkaasna lagu mamnuucayaa takoorka jinsiga ku saleysan. Waxaa kale oo takoor ah qashqashaadda galmada iyo qashqashaadda jinsiga ku saleysan iyo weliba amarka ama hagitaanka ah in wax la takooro. Fal-celinta yacni wiiqidda kaalinta qofka la takooray iyadoo loo cuskanayo sharciga ayaa iyaduna ah takoor. Sababta takoorku waxay sidoo kale la xiriiri kartaa qof kuu dhow ama waxay ku saleysnaan kartaa malo. 
 
Mamnuucidda gaarka ah ee takoorka ayaa lagu qeexayaa nidammka wax takooraya ee nolosha shaqada, goobaha waxbarashada, ururada dano ilaalinta iyo bixinta alaabaha iyo adeegyada. Jebinta waxyaabaha la mamnuucay waxaa laga dalban karaa magdhaw. Shaqo bixiyaha iyo machadka waxbarashada waxaa waajib ku ah in marka laga codsado ay qofka takoorka noocaas ah ka shakiyay siiyaan caddayn qoraal ah.  

Xeerarka ilaalinta sharciga sinnaanta quseeya

Wakiilka sinnaanta bulshada iyo guddiga sinnaanta iyo isku qiimo ahaanshaha ayaa ilaaliya u hoggaansamidda sharciga sinnaanta. Wakiilka sinnaanta bulshadu wuxuu talooyin iyo hagitaan ka bixiyaa waxyaabaha ay ka midka yihiin dabaqaadda sharciga sinnaanta, sida mamnuucidda takoorka iyo qorshaha sinnaanta. Guddigu wuxuu digniin ganaax ku mamnuuci karaa nidaamka wax takooraya.  

Sharciga sinnaanta ayaa lagu xeerinayaa wakhtiga iyo maxkamadda ay tahay in dacwadda loo gudbiyo. Haddii uu kiisku quseeyo shaqaalayn, dacwadda waa in lagu soo gudbiyaa sannad gudihiis oo ka billaabanaya go’aanka xulashada. Haddii uu kiisku quseeyo takoor kale, dacwadda waa in lagu soo gudbiyaa labo sano gudohood oo ka billaabanaysa xilliga uu takoorku dhacay. Wakiilka sinnaanta bulshadu inta badan ma baaro xiriirada quseeya kiisaska ay ka soo wareegtay wax ka badan labo sano.

Sharciga sinnaanta u dhexeysa dumarka iyo ragga yacni sharciga sinnaantu (609/1986) wuxuu dhaqangalay 1.1.1987 waxaana markaas kaddib lagu sameeyo isbeddello badan.  
 
Aqoonsiga jinsiga waxaa loola jeedayaa marka laga hadlayo sharciga sinnaanta waaya aragnimada ama dareenka uu qofku ka qabo jinsigiisa. Muujinta jinsiga waxaa loola jeedaa soo bandhigidda jinsiga lagu soo bandhigo labisashada, habdhaqanka ama hab kale oo u dhigma. Xeerarka takoorka ee sharciga sinnaantu waxay sidoo kale quseeyaan takoorka ku saleysan in sifooyinka jinsiga muujinaya ee jirku aysan ka turjumayn dumar ama rag.